U bood dhigaalka

Wasiirrada Cusub Oo Bilaabay Iney Xafiisyadooda La Wareegaan

Sheeko:Dalka

Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay si rasmi ah u bilaabeen iney la wareeegaan xafiisyadooda , iyadoo maanta ay xilalka la wareegeen wasiirada arrimaha gudaha iyo maaliyadda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Maxamed Aadan Fargeeti.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkaasi lagula kala wareegay.

Dhanka kale munaasabad kale oo isla magaalada Muqdisho ka dhacday ayaa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa waxa uu xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wasiir Hore Mr. Odowaa ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay wasaaraddaasi gaartay horumaro la taaban karo, isaga oo ugu baaqay wasiirka cusub in howsha uu halkeeda kasoo amba qaado.

Waxaa maalmaha soo aadan sidaan oo kale xilalka u kala wareegi doona wasiirada cusub ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre iyo kuwii hore.

Goobjoog News