U bood dhigaalka

Wasiirada K/galbeed Oo Ka Shiray Ammaanka

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada maamulka K/galbeed oo kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa looga hadlay arrimo u badan amniga.

Shirkan waxaa shir guddoominayey Maxamed Xasan Fiqi oo ah ku simaha madaxweynaha K/galbeed, waxaana warbixinno laga dhageystay wasiiro dhowr ah.

Wasiirada ayaa cambaareeyey Lix ruux oo dhowaan dabley hubeysan ku dileen deegaanka Siinka Dheer, waxaana ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban karo.

Sidoo kale wasiirada K/galbeed ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka iney adkeeyaan amniga guud ee deegaannada maamulka K/galbeed, kana hortagaan wax walbo oo amniga wax u dhimaya.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay kulanka wasiirada kadib in warbixin dheer laga dhageystay wasiirka Dastuurka K/galbeed C/qaadir Nuur Caraale, isaga oo ka warbixiyey howlo quseeya Dastuurka maamulkaasi.

Deegaannada K/galbeed waxaa muddooyinkaan dambe kusoo badanayey falal ka dhan ah amniga, waxaana deegaannada K/galbeed ka dhaca dilal iyo sidoo kale falal kale oo amniga wax u dhimaya.

Goobjoog News