U bood dhigaalka

Wasiirka Aminga Gudaha oo Daah-Furay Qalab Cusub oo Lagu Hubinayo Badeecada Dekedda

Sheeko:Dalka

 Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xakuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa xarigga ka jaray Xafiis Amni oo qaabilsan inuu baaro waxyaabaha Dekedda ka dhoofaya ama ka soo dagaya in ay ka maranyihiin waxyaabo qal-qal galin kara Amninga qaran.

Mashruucan oo la Magacbaxay Port Scanning Service ayaa waxaa hore u meel-mariyay Xukuumaddi Cumar C/rashiid. Waxaana Mashruucan maalgaliyay shirkad Si gaar ah loo leeyahay oo la yiraahdo M. T.C .

Waa markii ugu horeysay ee Adeeggan laga hirgaliyo Dekedda  Magaalada Muqdisho, waxaana Faa’iidooyinka Adeeggan waxaa kamid ah:-

  1. xaqiijinta Badeecada Dekeda ka dhoofaysa ama ka soo dagaysa in ay ka badqabto Walxaha Aminga khatarta ku ah
  2. Fududayta Socodka Badeecada
  3. Kor u qaadista Daqlig
  4. Xaqiijinta wax loo yaqaan Manifeska.

Munaasabada adeeggan lagu daahfurayay Waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha, Wasiir ku Xigeen Wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Maareeyaha dekeda Muqdisho, maamulaha Furdada Xamar iyo Maamulka Sarre Ee shirkada Albayrak.

Wasiir ku Xigeen Wasaarada Dekadaha Cusmaan Daalo oo goobtaasi ka hadlay   ayaa tilmaamay in adeeggan inuu  watar Wadajireed u leeyhay Wasaarado dhowr ah.

Waxa uuna yiri ‘’ Adeeggan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay sadax wasaaradood, wasaarada Dekedaha ahmiyadda uu u leeyahay waxay tahay wax walba oo dekedaasi soo galay ayay halaasi kala soconaysaa. Waxa uu yareyn doonaa Musuq maasuqa hadii hore konteenar Electronic wada la marin jiran waxa uu wadaa Bagaash ma dhici doonto taasi’’

Wasiirka Amniga Gudaha Ee Xakuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa sheegan in Masruucan uu yahay mid ay hore u meelmarisay Xakuumadii hore Islamarkaana ay  hada lagu guuleysatay in la howlgaliyo .

Waxa uun farta ku fiiqay in Adeegan uu kaalin ka qaadan doono  xaqiijinta Amniga waxyaabaha Dekedda ka soo dagaya. Islamarkaana ay si wadajir ah ugu wada shaqeyn doonaan ha’adaha u xilsaaran Amniga.

Xakuumada Soomaaliya  Xiligan il gaar ah ku eegaysa Dekeda Muqdisho oo ah isha ugu balaaran ee saqligu ka soo galo dowladda iyadoo dhawaan loo magcaabay Maamul Cusub.

Daqliga ka soo Xarooda Dekada ayaana kordhay tan iyo markii 2013 ay shirkada Albayrak ay la wareegtay Maamulka dekada.

Inkastoo  wali kaabayaasha Dekedu ay u baahanyihiin in la tayeeyo hadana adeegan ayaa ah talaabo hore lo qaaday  .

ryttttttttttttttttt juy yuyuuuuuuuuuuuuuuuuuuu fdddddddddddddddddddd

Goobjoog News