U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Oo Sheegay In Lala Xisaabtamayo Saraakiisha Ciidanka Dowladda

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in lala xisaabtami doono saraakiisha ciidamada Booliiska iyo guud ahaan kuwa ciidamada qalabka sida.

Waxa uu sheegay wasiirka in habeen iyo maalin uu kormeer ku hayn doono saldhigyada ciidamada Booliiska, isaga oo sheegay in markaan la doonayo in shacabka la tuso in Booliiska uu iyaga u shaqeynayo.

Wasiir Islow ayaa dhanka kale ka codsaday ciidamada in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed marka howlgallada ay socdaan iyo sidoo kale marka askarta la istaajiyo waddooyinka.

“Ogaada taliye, taliye ku xigeenno waa la isla xisaabtami doonaa, ma jiifan doonno, inaan jiifanno yaan nalaga sugin, saldhigyada tagi donna, goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ayaan tageynaa, goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ayaan tagi donnaa waana la is arki doonaa, waxaan ka codsaneynaa in ciidamada ay shacabka u turaan, marka jidadka la istaajiyo inaan lacag la weydiisan, wax xun lagula dhaqmin ayaa la rabaa oo shacabka Booliiska usoo cararaan, markaan ay shacabka arkaan in booliiska uu ka shaqeynayo danaha shacabka” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal ballaaran oo wax looga bedalayo amniga magaalada Muqdisho, isaga oo kormeera dhammaan saldhigyada ciidamada Booliiska.

Goobjoog News