U bood dhigaalka

Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta: Sharciga Isgaarsiinta Waxaan Hordhigi Doonnaa Golaha Shacabka Kalfadhiga Soo Socda

Sheeko:Dalka

Shirweyniha Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada  oo muddo saddax maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda federaalka ah, waxaa ka soo qeybgalay wasiirada boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada, garyaqaanka guud ee Qaranka, shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qeybaha tacliinta sare ee dalka ayaa waxaa looga hadlay sidii qaab qaran loo wejihi lahaa arrimaha isgaarsiinta dalka iyo la socodka Tecknolojiyadda casriga ah.

Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed oo ah garyaqaanka guud ee dowladda ayaa sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay in wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uu kala shaqeeyo xaga sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya  Eng Cabdi Canshuur Xasan oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in marka uu furmo kal fadhiga baarlamaanka ay geyn doonaan sharciga isgaarsiinta dalka lagu maamuli doono.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha golaha shacabka oo goobta joogay ayaa u mahad celiyay wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyada iyo ka qeyb galayasha shirkan ayaa sheegay in isgaasriinta ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka isagoo balan qaaday In Baarlamaanka uu arintaasi ka hadli.

Goobjoog News