Wasiirka Duulista Hawada “Amniga Garoonka Waa Hagaagsan Yahay, Shaqaduna Sideeda Ayeey u Socotaa”

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka wasaaradda duulista hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomar ayaa sheegay in aanu jirin wax amni darro ama cabsi amni oo ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in Sabti walbo ay qabtaan shir gaar ah oo looga hadlayo ammaanka guud ee Garoonka, islamarkaana ay shirkaasi ka qeybgalaan dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde.

Wasiir Oomar ayaa sidoo kale sheegay in garoonka shaqadiisa ay socoto habeen iyo maalin, shaqadana aanay jirin wax isbedal ah oo ku yimid.

“Sabti walbo waxaan qabanna shir looga hadlayo amniga garoonka, xaaladda amni waa mid wanaagsan, ma jirto wax cabsi ah, shaqada sideeda ayey u socotaa, garoonka habeen iyo maalin ayuu shaqeeyaa” ayuu yiri wasiirka.

Todobaadkii tagey, dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda fartay iney isaga baxaan garoonka Aadan Cadde, gaar ahan qeybta Xalane, cabsi amni oo jirta.

Goobjoog News