U bood dhigaalka

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka: 30 Bishan Ayaan La Soo Wareejinayaa Maamulka Hawada

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdullahi Salaad  Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka  oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu uga hadlay waxyaabaha u  qabsoomay  wasaaraddiisa .

Weriye Maxamud Cali Xaaji ayaa ugu horeyn Omaar weydiiyay waxyaabaha u qabsoomay tan iyo inta uu wasaaradda yimid “Waad ku mahadsantihiin,  mar kasta waxyaabaha xiisaha leh oo aad na tustaan,  wasaaradda markii aan imid illaa iyo hadda waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay inkasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo aan jeclaan laheyn inaan qabano iyagana waa inuu suuro gali-waayeen marka laakiin Alxamdulilaah waxaan u maleynayaa waxaa aan  qabanay ayaa ka badan inta noo qabsami waayey. Waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah in aan ku guuleysannay garoonka shaqadiisa in la dardar-galiyo sida in waqtigiisa la kor-dhiyo oo uu shaqeyn lahaa,  shaqaalaha in loo sameeyo waqtiyo Shifts arrintaasi oo caqabdweyn ay naga heysatay, diyaaradaha subixii yimaado iyo maalintii ayaa aad u tiro badnaa hadda Isbeys badan ayaan helnay iyo fursado aan .

Maxamed Cabdullahi Salaad  Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka oo ayaa sheegay in maamulka hawada Soomaaliya la soo wareejin-doono 30-ka bishan: Waxaa kaloo aad muhiim u ah guusha ugu weyn aan ka soo gaarnay in hawadii Soomaaliya oo dhowr iyo labaatan sano laga xukumayey waddanka bannaankiisa in aan dib ugu soo celinay in waddanka gudihiisa laga maamulo, wax allaale wixii ku saabsan heshiisyo iyo qalab la soo iibinaayo waxaas oo idil waa ay soo dhamaadeen, mar dambe ma jiri doono qof intuu meel aado heshiis soo sixiixi doono si loo soo guuro sida aad la socotiin, waxaa laga yaabaa in shaqaalihii Nairobi noo joogay u shaqeeya hay’adda maamusha hadda in laga soo saxiixay bisha aan ku jirno sodonkeeda wixii ka dambeeyo in ay u soo guuri karaan loo soo rari karo xilli kasta Mugadishu shaqaalihii ajanabiga ahaa dhammaantood waay saxiixeen shaqaalaha Soomaaliga ahna waxaan rajeyneynaa inay kaga jawaabeen dhowr cisho gudaheed Soomaaliya u soo guuraan. Taas micnaheedu waxaa uu yahay in hawada Soomaaliya waqti yar waa laga yaabaa in isbuucyo iyo wixii lamida iyo qalab yar oo daaha inay dib uga dhacaan laakiin in laga maamulo hawada Soomaaliya waddanka gudahiisa anagga iyo OCAO waan kala saxiixanay wax dambe oo heshiis iyo saxiix ah oo noo haray majiro.

Mar uu hadlayey rakibaadda maqabka inta ay qaadan karto waxaa uu yiri: Qalabka haddaan jaanis u helno hoos ayaan u dagi-doonaa, waad arki doontiin iyaga oo laga shaqeynaayo rakibaada bishan dhamaadkeeda,waxaan rajeyneynaa inuu qalabka badi rakibnaado  20 November, waxaan rajeyneynaa si rasmi ah inuu dhamaanayo rakibaadda qalabka ka dibna aan qabsanno xaflad weyn oo ah dhameystirkii qalabkii iyo soo wareejintii  hawada, marka xafiiska Nairobi iyo midkaan ayaa muddo isla shaqeyn doono si ku meel gaar ah marka dhamaadka sanadkaan 2017 dhamaadkiisa waxaa si rasmi u soo xirmaya xafiiska Nairobi iyada oo dhammaan hawada halkaani laga maamuli doono.

Mar aan wax ka weydiinay Somali Airlines waxaa uu ku jawaabay: Hawada wxay aheyd No.1 waxaa ay aheyd sheygii ugu muhiimsanaa oo aan qabano midda labaad waa Somali Airlines dardarkii aan ku wadnay hawada oo kale ayaan hadda ku wadnaa sida aan meelo badan aan ka sheegay waxaan rajeyneynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inaan ku soo celino iyadana hadduu ilaahey ka raali noqdo .

Waxaa jira ganacsato Soomaaliyeed oo iyagana ahmiyad weyn siinaya Somali Airlines inay ka qeyb-galaan moodaladii hore ay ku shaqeyn jireen diyaaradihii hore si ka duwan ayuu hadda aduunka u shaqeeyaa marka waxaan rajeyneynaa in Somali Airlines ay la jaan-qaadi doonto aduunka iyo sida ganacsiga loo sameeyo waxaan rajeyneynaa in sharciyadii lagu hagi lahaa Somali Airlines ayaan hadda ka shaqeyneynaa  marka shaqo badan waan soo qabanay shaqo bandanna waa ay noo dhimantahay.

Goobjoog News: Garoonka waxaa ka shaqeeyo shaqaale waqtigii aad xafiiska imaaneysay  waxaad soo kordhiseen waqti dheeraad ah in la shaqeeyo shaqaalaha habeenkii shaqeeyo iyo sida aad u maamushaan waa ceynkee?

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka: Shirkadaha ka shaqeeya garoonka sida Fivori, hay’adda socdaalka iyo dhalashooyinka way jiraan inay badiyaan shaqaalahooda kuwaas oo shaqeyn lahaa habeenkii annaga ahaan waxaan diyaarinay School  oo soo saari doona dad loo tobabaray hawada qeybihiisa kala duwan, dadkaas waxay awood u yeelan doonaan waa labo qeybood:  qeyb aan rajeyneyno inay annaga noo shaqeeyaan qeybta labaadna waa dad iskood loo tobabaray qarashkana iska bixin doona ka dibna u shaqeyn kara diyaaradaha sida gaarka ah loo leeyahay

Goobjoog News: Hawada Soomaaliya waa aad soo wareejiseyn maamul goboleedyo fara bandanna dalka waa ay ka dhisanyihiin kuwaas oo heysta hanaanka fedaraalka habka qeybsiga kheyraadka waa sidee?

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka: Fedaraaliisimka waa sheyn muhiim ah oo hadda waddankaan sharciga u degsan oo lagu dhaqi doono waaye sidii loo wadaagi lahaa daqliga naga soo gala hawada waxyaabaha muhiimka oo hadda aan ka shaqeyneyno ayuu ka mid yahay inkastoo toos aysan wasaaradda umaamuli doonin oo wasaaradaha ku shaqada leh ay maamuli doonaan hadana wasaaradda waxay ka mid tahay wasaaradaha dhaqaalaha abuuri doono.

Goobjoog News: Waxaa la sheegay garoonka diyaaradaha in laga dhisi doono Hoteel, hotelkaasi maxuu yahay?

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka: Garoomada caalamiga  ah oo dhan inta ugu badan waxaa ku yaallo hoteello, hoteelada waa wax iska caadi ah in garoomada laga dhexdhiso marka heshiiska lagu gaaro hoteelka dhisiddiisa iyo meeshii laga dhisi lahaa ayaa muhiim ah marka in garoon dhexdiisa hotel laga dhiso waa wax iska normal ah in wax weyn loo arkana maahan sida in wadankii faraha laga bixiyey wax la siyaasadeeyana maahan.

Goobjoog News: Hawada sare dakhliga idin-ka soo gala iyo sida aad u maamushaan waa sidee?

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka: Hawada duulista sare diyaaradaha mara waa sax inay kordheen waxyar daqligana wuu kordhayaa markii ay sii kordhaan diyaaradaha, hase ahaatee hawada serveska aan anagu siino waa shaqada aan u qabano diyaaradaha maraya hawada sare waxaa uu leeyahay levelyo kala duwan kuwa aan anagu siino hadda ee lacagta naga soo gasho waa lacag yar marka aan qalabka rakibno insha allah daqligeenu wuu kordhi doonaa”.

W/Q: Jaamac Cali Shidane