U bood dhigaalka

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka Oo Maanta Hortagaya Aqalka Sare

Sheeko:Dalka, War

Maxamed Cabdullahi Salaad  Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka ayaa maanta  lagu wadaa in uu hortago aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu warbixin ka siin-doonaa Xildhibaannada arrimaha la xiriira garoonka, la soo wareegista hawada Soomaaliya iyo arrimo kale.

Dhinaca  kale, Maxamed C/laahi Salaad Oomar ayaa sheegay in aanu jirin wax amni darro ama cabsi amni oo ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay wasiirka in Sabti walbo ay qabtaan shir gaar ah oo looga hadlayo ammaanka guud ee Garoonka, islamarkaana ay shirkaasi ka qeybgalaan dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde.

Goobjoog News