U bood dhigaalka

Wasiirka Ganacsiga Galmudug Oo Ceyriyay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Labadaba Waxaa Ay La Hadleen Goobjoog

Sheeko:Dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboldeedka Galmudug Cabdiqadir Cabdullahi Warsame ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Gudoomiyihii KMG ee Rugta ganacsiga Galmudug Maxamed Cabdullaahi Marteelo, arrintaas uu ninka dambe iska diiday.

Wasiirka ganacsiga Galmudug mudane Cabdiqadir Warsame oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sharaxay sababta uu xilka uga qaaday guddoomiyaha rugta ganacsiga.

“Waxaan siiney waajibaad cad, Talooyin ayaan siinay, si KMG ah oo loogu dhiibay, waxaa dhacday maalintii loo dhibayba, waajibaadka aan siiney waxaa ka mid ahaa in xarun weyn in Cadaado laga furo, maadaama ay tahay xarunta KMG ah, xarunta ganacsigana iyada tahay, waxaa dhacday in ninka shaqadii ka soo bixi waayey”

Mar aan weydiinay cidda ay tahay in la xisaabtanto rugta ganacsiga waxaa uu ku jawaabay

“ Rugta ganacsiga la xisaabtankeeda waa ku shaqo leh wasaaradda ganacsiga, ma aha meel qofka sidii uu rabo ka yeello, waa hey’ad dhinac private ka ah, dhinacna siyaasad ka ah, waa dhacday ninkii waa la waayey, marar badan ayaa Xamar isku aragney, inta ayaa qabaneynaa ayuu leeyahay, inaga in uu naga dhuunto ayuu bilaabay, intaa waxaa dheer dhowr safar oo dibadaha loo aaday oo rugta ganacsiga ahaa dad ayuu iska qorqortay oo fiisooyin Turkiga looga soo saaray, qaar Mareykanka galay oo aan la heyn iyo qaar la ii sheegay in ay Tahriibeen, mar xitaa shireen wasaaradaha ganacsiga iyo rugaha ganacsiga iyo maamul goboleedyada isaga oo dad kale la socodo ayuu yimid”.

Dhinaca kale, Waxaa Goobjoog News la hadlay Maxamed Cabdullaahi Marteelo isaga oo iska diiday in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Galmudug uu xilka ka qaadi karo, waxaa uu sheegay in ay doorteen ganacsatada gobolka iyaga uun ay jagadaasi ka qaadi karaan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada