U bood dhigaalka

Wasiirka Ganacsiga: Waa La Dhiirogelinayaa Ciddii Keenta Maskax Dib Loogu Kicinayo Warshadihii Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan ciddii dooneysa iney dib u howlgeliso warshadihii faraha badnaa ee dalku lahaan jirey kuwaa oo ku burburey dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay wasiirka in ganacsatada looga baahan yahay iney dib u howlgeliyaan warshadaha dalka uu lahaan jirey.

Wasiir C/rashiid ayaa sidoo kale tilmaamey iney ku howlan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa warashadihii dalka uu lahaa, si loo helo warashado waxsoosaara.

“Wadan wuxuu horumari karaa wax soo saarkiisa gudaha markii uu ka badan yahay waxa uu soo dhoofsanayo, annaga waad ogtihiin maanta dalaga dhulkeenna ka baxa dadka Soomaaliyeed xitaa ma jecla iney cunaan, tusaale maqaayad markii aad joogto inaad soor dalbatid ama Baasto, waxaa fudud baasto, marka Baasto dalageena ma ahan, wasaaradda warshadaha, waddanka intii aanu burburin kahor waxay lahayd in ku dhow 60 warshad oo soo saarta baahida waddanka, dhar, maacuun, sokor, dhismo leh intiiba waxay la tageen burburkii dalka ka dhacay, waxaa hadda jira warshado yar yar oo ganacsato badan ku dhiiratay sida biyaha, firaashyada isbuunyada, yar yarka oo dhan waa lasoo saaraa, marka warshadihii waaweynaa ee dalka uu lahaa waa la iska kaashan karaa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo  kale sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiirogelin doonaan ciddii keenta maskax ay ku kicineyso warashadihii dalka uu lahaa.

“Ka wasaarad ahaan waxaan dhiirogelinayaa cid walbo oo la timaado maskax lagu kicinayo warshadihii uu dalka lahaa, wadan wuxuu ku hormarin karaa wax soo saarkiisa, waxsoosaarna waxaa lagu sameyn karaa warshad” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir C/rashiid.

Dowladdii kacaanka intii ay hoggaanka haysay waxay ku tallaabsatay horumar dhanka warshadaha ah, waxayna hirgelisay warshado badan oo muhiim u ahaa waxsoosaarka dalka.

Goobjoog News