U bood dhigaalka

Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Oo Is-casilay

Sheeko:Dalka

Cabdirashid  Cabdullahi  Maxamed oo ahaa wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya ayaa goor dhaw istiqaaladiisa u gudbiyay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Go’aanka waxaa la sheegay kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada ku yeesheen xaruntooda Muqdisho. Lama oga sababta uu isku casilay wasiirka.

Arrintan ayaa timid daqiiqado kadib markii uu  is casilay Taliyihii ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Cirfiid) oo jagadan loo magacaabay April 6, 2017.

Wararkan kala soco, Goobjoog News