U bood dhigaalka

Wasiirka Qorsheynta Oo Golaha Shacabka u Sharaxay Sharciga Tirakoobka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhriyey hindise sharciyeedka tira-koobka Qaranka.

Wasiirka ayaa xildhibaannada golaha shacabka  u sheegay in sharcigani muhiim u yahay dalka.

Mudanayaasha golaha shacabka ayuu ka codsaday wasiirka in sharcigaan ay meel mariyaan si loo fuliyo howlaha qaran ee u muhiimka ah.

Sidoo kale, wasiir Jamaal ayaa sheegay in sharcigan uu aas aasayo hay’adda Statistics-ka qaranka, taasi oo wax badan qaban doonta.

“Sharcigan wuxuu aas aasayaa hay’ad madax bannaan oo leh sifo sharciyadeed loona yaqaano hay’adda Statistics-kada qaranka Soomaaliyeed taasi oo ah mid keydisa dhammaan howlaha tirokoobka wadanka, hay’addu waxay awood u leedahay iney dacwad soo oogi karto laguna soo oogi karo, geli karto heshiisyada shaqadeeda iyo waxqabadkeeda kor u qaadaya, kuwaasi oo sharciga waafaqsan, xarunta hay’adda Statistics-kada qaranka waxay ahaaneysaa magaalada Muqdisho, waxaana xarumo ku yeelaneysaa gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa su’aallo arrimahan la xiriira waxay weydiiyeen wasiirka Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya.

Sharcigan ayaa maanta maray akhrintiisa Koowaad, iyadoo meelmarintiisana ay aad muhiim u tahay.

Goobjoog News