U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta: “Muhiimaddayda Ugu Horraysa In Ay Tahay in Dardargaliyo Xornimo Hadalka iyo Xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa axaddii goor uu xilka kala wareegayey wasiirkii hore mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”  ayaa sheegay in uu ilaalin doono xuriyadda hadalka iyo xuriyadda Saxaafadda, isla markaana uu kor u qaadi doono aqoonta saxafiyiinta.

Eng. Yarisow, wuxuu hoosta ka xariijay aragtida iyo hiigsiga lagu horumarinayo warbaahinta Soomaaliya, isagoo sheegay “Muhiimaddayda ugu horaysa in ay tahay in dardargaliyo xornimo hadalka iyo xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, sida uu qabo Qodobka 18-aad ee xuquuqda aadanaha (1) wuxuu sheegayaa in “Qof kasta uu xaq u leeyahay in uu fikirkiisa si xor ah u muujiyo, uuna dhagaysto fikir kale, una soo bandhigo fikirkiisa, xogta iyo fikradoba sidii uu doono.”

Yariisow oo sii hadlaya waxaa uu yiri “ Arrimaha kale ee aan diiradda saarayo, waxaa ka mid ah fulinta Istaraatiijiyadda Warbaahinta Soomaalkya, Kobcinta aqoonta howlwadeenada warbaahinta, (kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ah), howlgalinta sharciga warbaahinta Soomaaliyeed, aasaasidda Golaha Warbaahinta hagi doono waaxda warbaahinta guud ahaan dalka, in dalka laga abuuro Warbaahin ay dadwaynuhu leeyihiin, oo toos ugu adeegta oo markii ugu horeysay dalka laga howlgaliyo iyo abuuridda ololayaal wacyigalin oo ku salaysan qorshaha dastuur samaynta, federaalaynta, amniga, xasilinta, demoqraadiyaynta, kuwaas oo dhamaan horseedaya in la gaaro codbixin qofkiiba hal cod ah, la dagaalanka argagixisa, wadaniyadda, diinta iyo nabadda iwm”

Mudane Eng. Yarisow, wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, looguna dhiirigaliyo cid walba in ay qaybteeda ka qaadato howsha taariikhda gali doonta. Wuxuu yiri “Far kaliya fool ma dhaqdo, kaligayna ma guulaysan karo, sidaa darteed, waxaa muhiim u ah cid walba in ay kaalinteeda ka qaadato taariikhda samaysmaysa ee horumarinta warbaahinga Soomaaliya.

Goobjoog News