U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada Oo Sheegay In Jaamacadaha Dalka In Badan Oo Ka Mida Eysan Tayo Laheyn

Sheeko:War

Wasiirka wasaaradda waxbarasahda, hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u weeraray Jaamcadaha Dalka oo uu ku tilmamay in intooda badani in aaney gaarsiisneyn tayadii waxbarashada Dugsiyada sare ee beri-samaadkii.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo wareysi gaar  ah siiyay Goobjoog TV oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa si adaga uga hadlay tayada waxbarashada jaamacadaha dalka oo uu ku tilmaamay in qaarkood ayba dugsi sare oo beri-samaadkii ah ka tayo liitaan.

“Jaamacadaha tayadooda way liidataa wax la qarin karo maaha badan kooda, magaalada Muqdisho Dhowr iyo Konton Jaamacadood ayaa ku taalla, way soo biirayaan oo way soo badanaayaan, qaarkood dugsi sare ayaa ka tayo fiican secondary-gii aan aqoon jirnay ama qaarkood  waa ka hooseeyaan primary level, markaa in tayada ardayda ka soo baxaysaa ay macno lahaan waayaan wax lala yaabo ma ahan, haddii ay kasoo baxaayaan jaamacadahaas.”, ayuu yiri wasiirku.

Waxa tilmaamay sababta tayo la’aantu tahay sharci la’aan dalka ka jirtay iyo mas’uuliyad darro dadka qaar ay wixii ay doonaan iska sameeyeen iyagoon dalkii u naxayn:

“Waxaa keenaya dhowr waxyaabood, kow dalkii oo muddo dheer iskaga soo jiray dowlad la’aan oo cid walba cid maamuleysa iyo cid wax ka maqleysaa aysan jirin uu meesha  ka baxay ku dhaqankii sharciga, tan Labaad in mas’uuliyaddii la qaadan waayay oo qofkii waxa uu doono uu sameynaayo, iyagoon u naxaynin dalkii iyo dadkii ayay waxay rabaan sameynaayaan.”

Waxa uu hoosta ka xarriiqay meelaha ay tayada waxbarashada sida gaarka ah uga eegi doonaan  jaamacadaha dalka:

“Sida aan rabno inaan wax uga qabanno waa sida ugu fiican oo ah, inaan soo dhameynnay shuruucdii lagu maamuli lahaa waxbarashada dalka oo ay ku jirto waxbarashada heerka saddexaad ee tacliinta sare, markaa taasina waxay na siineysaa awood ay wasaaraddu ku ilaaliso tayada waxbarashada oo la sameeyo halbeegyo laga eegayo, deegaanka ma tahay meel ku habboon, qololka wax lagu dhigaayo ma yihiin kuwo ku habboon oo halbeegga ugu yar soo buuxinaya, macallinmiinta wax ka dhigayaa heerkooda aqoontu waa sidee, qalabka ay jaamacadaha ku dhigayaan ma yihiin kuwii suurtogalinaayay waxbarasho sare.”, ayuu yiri wasiirka.

Si kastaba, Gudaha dalka ayaa waxaa ku yaalla Jaamacado aad u tiro badan oo dhiga intooda badani maaddooyin isku mid ah, isla markaana ay ku yaryihiin Culuumta Sayniska iyo Farsamada oo ah kuwa aadka loogu baahi qabo gudaha dalka, shaqooyinka ugu badanna laga heli karo.

Goobjoog News