U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe

Sheeko:Dalka

Madaxweyne  Robert Gabriel Karigamombe Mugabe waxaa uu dhashay sanadkii 1924 waxaa uuna ka dhashay qoys sabool ah .

Waxbarashadiisa

Robert Gabriel Karigamombe Mugab,markii uu dhameystay  waxbarashadiisa asaasiga ah waxaa uu ku biiray Jaamacadda Fort Hare ee ku taallo South Africa, waxaa uuna ka baxay sanadkii 1951.

Mugabe intii uu dhiganaayay Jaamacadda Fort Hare waxaa uu kula kulmay jaamacadda oo ay wax isla barteen qaar ka mida hogaamiyaasha qaaradda Afrika oo ay ka midyihiin madaxweynihii ugu horreeyay dalka Zambia  Kenneth Kaunda.

Mugabe waxaa uu heystaa sideed shahaado oo Jaamacadeed oo is kugu jira Bachelor’s degree, Master’s Degree iyo Doctorate Degree.

Takhasusaadka uu jeclaa oo uu bartay waxaa ka mida kuliyadaha uu bartay kulyadda macalinnimada iyo kulyadda dhaqaalaha, qaar ka mida shahaadooyinkiisa Jaamacadeed waxaa uu ka qaatay Jaamacado ku yaallo wadamada UK iyo South Afrika kuwaas oo ku baranayay habka loo yaqaano fogaan darsi waxbarashadeed Distance education.

Mugabe ayaa waxaa uu ka helay Jaamacado dhowr ah oo caalamiya shahaadooyin Sharafeed Caalami ah.

Noloshiisa

Mugabe markii uu dhameystay waxbarashadiisa Jaamacadeed waxaa uu shaqo ahaan u bilaabay inuu noqdo Macalin, taasi oo  aheyd noloshiisa shaqadii ugu horreysay oo uu qabto, muddo ka dib isaga oo macalinnimada ku shaqeynaya ayaa la xiray sababta xariiga ka dambeysay waxaa lagu sheegay inuu mucaarad ku bilaabay nidaamkii cunsuriga ahaa oo markaasi dalka ka talinaayey.

Shaqooyinka uu Soo qabtay

Rubert Mugabe waxaa uu soo noqday ra’iisulwasaare ka dib markii xisbiga Sanu uu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 1980 kuwaas oo ka dhacay Zimbabwe, ka dibna waxaa uu noqday madaxweynaha dalkaasi sanadkii 1987.

Mugabe waxaa uu maamulayay Zimbabwe muddo dhan 30 sano, waxaa uuna Jiraa 93 sano sanadka 94-aad ayaa waxaa uga harsan muddo dhan 45 bari.

W/Q: Jaamac Cali Shidane