U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Pan-Afrika Iyo Xubnaha Soomaaliya u Matalaya?

Sheeko:Baarlamaanka

shan xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay xubnaha ka yihiin Baarlamaannada Dalalka qaaradda  Afrika.

Shantaan xubnood waxa ay Soomaaliya ku Matalan Baarlamaanka Afrika oo ey xubno ka yihiin Dhamaan 54 ta dowladood ee Africa ay ka koobantahay Qaarada Africa waxaa ay kala yihiin:

  1. Xildhibaan  Lutfi Shariif Maaxamed oo lag soo doortay Gobolka Banaadir.
  2. Xildhibaan C/Xakiin Macallin Axmed oo laga soo doortay deeganada Galmudug.
  3. Xildhibaan Idiris Cabdi Taqtar oo laga soo doortay deeganada Koonfur Galbeed.
  4. Xildhibaan Abdiaziiz Abdulahi Mohamed oo laga soo doortay deeganadda Jubaland.
  5. Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed oo ka tirsan Xildhibaannada Somaliland

Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay hoolka uu kulan ka dhacay South Africa, waxaana dhaartaas mariyay Xildibaanno ka socday Dalka Lesotho, oo iyana lagu dhaariyay kulanka 5aad ee Fadhiga Baarlamaanka Afrika.

Pan-Afrika:

Baarlamaanka Africa ayaa la aas-aasay Bishii march 2004 ,Xarunta Baarlamaanka Africa waxa eey aheeyd markii hore Magaalada Adis-ababa ee Ethiopia laakiin waxaa loo bedelay Magaalada Midrand, South-Africa.

Midowgaan Barlamaanka waxaa kamid ah oo ku mideysan Dowladaha Africa waxaana shantii sanaba loo aas aasaa xubno cusub oo u matala baarlamaanada dalalka ku baheysan Barlamaankan Africa.

Waxayaabaha ugu waa weyn ee Midowgan loo aas-aasay waxaa kamid ah Horumarinta mabda’a xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyada Afrika,Dhiirrigeliya maamul wanaagga, daahfurnaanta iyo la xisaabtanka Dawladaha xubinta ka ah, Fududeynta iskaashiga iyo horumarinta Afrika, In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya qaarada Afrika iyo dhisida dareenka guud ee dadka Afrikaanka ah iyo Arimo kaloo badan.

Goobjoog News,