Wax Ka Baro Xanuunka Dhimirka

fitaax

Xanuunka dhimirka waagii hore waxaa la aaminsanaa in uu yahay cudur ku yimaado qaab dhimir ah oo kaliya, oo uusan aheyn cudur ka muuqdo jirka (Mental rather than as physical illness), maxaa yeelay xanuunka dhimirka wuxuu haleeyaa shaqada fakarka, filashada, shucuurta iyo xasuusta. Balse waayihii danbe waxaa soo if baxay cilmibaaris sheegeysa in dhaawaca gaaro maskaxda (Brain Damage) uu siyaadiyo xanuunka dhimirka.

Xanuunka dhimirka ma ahan hal cudur oo kaliya, waxaa lagu qiyaasaa in uu yahay in kabadan 300 oo cudur, waxaana jirta labo qaab oo waaweyn oo loo kala abla-ableeyo;

  1. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) qaab ayey u kala abla-ableeyeen waxaana loo yaqaan ICD-10 (International Classification Of Diseases 10th Edition)
  2. Ururka Dhimirka Ameerika (American Psychiatric Association) qaab ayey u kala abla-ableeyeen, waxaana loo yaqaan DSM-IV( Diagnosis And Statical Mental 4th Edition).

In kasta oo labada qeyb ay meelo badan ka siman yihiin, haddana haddii aan eegno WHO sida ay u qeybisay ee ICS-10, waxaan heleynaa in 10 koox oo waaweyn ay cudurada u kala abla-ableeyeen dhammaan cudurrada hoostaga oo ay ka badan yihiin 300 oo cudur. (Ka fiiri sawirka hoose).

IMG_6400

Tusaale cudurrada dhimirka waxaa ka mid ah, hurdada oo kugu yar ama kugu badan, cunna cunista oo kugu badan ama kugu yar, dabeecad xumada iyo bulsho la dhaqan la’aanta, xanaaqa,  cabsida, walwalka, walbahaarka, hadalka badan ama yar, murugada badan, farxada badan, la qabsiga daroogada, maahsanaanta iyo waalida.  Sida ka muuqaneysa tusaalooyinka aan kasoo qaadanay cudurrada ugu caansan ee dhimirka, waxay nasiinaysaa in ay kala duwan yihiin sababaha keena xanuunka dhimirka, waxayna yihiin seddex sabab oo waaweyn:

  • Cudurro ku dhaca maskaxda, ha noqoto u dhalasho ama dhaawac soo gaaray.
  • Dabeecadda qofka uu u dhashay iyo dhaqammada nafsi ee qofka u gaarka ah.
  • La dhaqanka bulshada ku hareeraysan.

Waxaa jira daraasad laga sameeyay dalka Soomaaliya, waxaa sameysay WHO, waxayna  soo baxday sannadkii 2011-ka, bisha Febraayo labadeeda, cilmi baaristaas waxa ay qeexaysay, in  seddaxdii qof ee Soomaali ah hal qof oo ka mid ah in uu qabo xanuunka dhimirka.

Taas ayaan aheyn wax lala yaabo maadaama waddan soo maray dhibaatooyin badan oo ka mid tahay qax, baahi, agoonnimo, dhac, dagaal, kufsi iyo takoor lagu sameeyo dadka qaar. Haddaba yaab ma leh in la arko muddo 20 sano ah, dad tira badan oo la tacaalayo xanuunnada kala duwan ee dhimirka.

Isla cilmibaaristaas ayay WHO ku sheegtay, in shan xarrumood oo dhimirka lagu daweeyo ay ka furan yihiin Soomaaliya (Hargeysa, Barbara, Boosaaso, Garoowe iyo Muqdisho), waxayna balan qaadeen in labo xarrumood oo kale ay furi doonaan. Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in la helo xarrumo badan oo lagu daweeyo dhimirka.

Cabdifataax Axmed Barre

Email: barre213@gmail.com

MBBS & BPH