U bood dhigaalka

Waxa uu Haystaa 15 Shahaado Jaamacadeed, Mid Ka Mid ahna Kuma Shaqeysto!!!

Sheeko:War

Dadka qaar ayaa waxay aaminsan yihiin in shakhsiga shahaadooyinka ugu badan haystaa uu yahay, canuga yar ee mucjisada ah ee helay darajooyinka ugu sarreeya ee imtixaanka garaadka dunida, ama uu yahay ardayga caqiliga badan ee aadka wax u akhriya dadka duniduna ay intooda badani yaqaannaan.

Oday u dhashay dalka Talyaaniga oo 70 jir ah ayaa ku galay buugga dhacdooyinka dunida ee Guinnies oo u aqoonsaday inuu yahay shakhsiga ugu badan ee shahaadooyin jaamacadeed haysta, 15 shahaado jaamacadeed.

 Luciano Baietti, waxa uu dagan yahay guri yar oo ku yaalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Roma, waxa uu ka shaqeystaan sameynta alaabta farshaxanka ah ee guryaha lagu qurxiyo.

Waxyaabaha Aqoonta ku dhiirigeliyay

“Buugaagtu waxaan ka helaa xoriyad”, waa sida uu u sheegay Baietti, wakaaladda “Nachrichtenagetur AFP”, waxa uu ka hadlay iney soo jiiteen labadan eray buugaagta iyo xoriyadda oo aad iskugu dhaw dhanka luqadda Talyaaniga, “Libro, Libra”, erayga Koowaad macnihiisu waa buug, kan Labaadna waxa uu tilmaamaa xoriyadda, sidaa darteed inaan wax akhriyo waxay idareensiineysaa ayuu yiri, xoriyad.

Qolka yar ee uu ku shaqeysto waxaa gidaarkiisa u suran sawirka Qoraaga weyn ee reer Franca  ee Louis Francois oo u ah qofka uu ku daydo ee uu aadka u jecelyahay, iyadoo dhinaca kale, darbiga uu ku xardhay shahaadooyinka uu haysto iyo takhasusyada kala duwan ee uu ka haysto dhanka cilmiga Bulshada, Suugaanka, Falsafadda, Xuquuqda, hoggaanka ciidanka, iyo culuumta siyaasadda.

Horey waxa uu uga soo shaqeeyay shaqooyinka dabdamiska, Maamule Iskuul iyo macallinimo.

Sanadkii 2002 ayaa loo diiwaangeliyay record uu ku galay buugga dhacdooyinka dunida ee Guinness World Records-ka, iyadoo loo diiwaangeliyay qofka ugu shahaadooyinka badan dunida, waxa uu shahaadooyin farabadan ka qaatay jaamacadda La Sapienze oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn dunida uguna caansan.

 2 Arrimood  oo Sabab u noqday  Inuu Shahaadooyinkaa Tirada Badan Uruursado

Labada arrin ee garabka ka siiyay inuu noloshiisa aqooneed ku guuleysto ayaa ah, rabitaan xooggan, jacayl dhanka cilmiga ah iyo subixii hore oo uu soo kaco.

Hadda waxa uu wadaa shahaadadii 16 ee heer jaamacadeed oo uu ka diyaarinayo culuumta “Food Sciences”.

Dadka qaar ayaa waxaa dhici karta iney is weydiinayaan, haddii shahaadooyinkan tirada badan aanuu ku shaqeynayn maxay u tarayaan?, waxaase ka maqan maahmaahda cilmiga ee oraneysa, “Cilmiga waxaa loo bartaa wax kororsi, ee wajina laguma raadiyo, Arsaaqna laguma doono”, maxaayeelay, kuwaasi iyagaa iska imanaya ee adigu wax kororso.

Goobjoog News