U bood dhigaalka

Waxbarasho: Dowladda Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo Kala Saxiixday Hishiis 49 Milyan Oo Euro Ah

Sheeko:War

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa waxaa hishiias lagu Hormarinayo waxbarashada ku kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo ururka midowga Yurub.

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa tilmamay in hishiskaan uu yahay mid lagu hormarinayo waxbarashada guud ee Soomaaliya iyadoo midowga Yurub uu dowladda Soomaaliya ka taageerayo bixinta dhaqaale 49 milyan oo euro ah oo loogu talogalay waxbarashada dalka.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay tahay  markii ugu horreysay oo  mashaariicda horumarineed ee midawga Yurub gacantooda lasoo galiyay oo ay dowladdu maamuleyso:

“Heshiiskaasi waxa uu ku saabsan yahay markii ugu horreysay taariikhdeenna, in aan lasoo wareegnay mashaariicda iyo maamulkooda iyo wixii garagaar ah ee Yurubiyanku ay na siiyaan maareyntooda oo wasaaradda qorsheynta lagu soo wareejiyay oo saxiixooda aan yeelaneyno, soo bandhigdooda, qaabeyntooda heshiiska mashaaricda marka lasoo dhajiyo iyo fulintooda dhamaantood waxaa yeelaneysa wasaaradda qorsheynta”.

Waxa uu sheegay in mashaariicdan loogu talogalay dalka oo dhan:

“Mashaariicdan umadda Soomaaliyeed oo dhan ayay ka dhaxaysaa, maamulgoboleedyada oo dhan ayaa imanaya iyagaa kala qeybsanaya, meel kasta oo Soomaaliya baahi ka jirto halkaas ayaa la gaarsiinayaa, annagu ka wasaarad ahaan waxaanu leenahay inaan sameynno xiriirin maamulladii dalka wasaaradihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha, markaa lacagtan aan maanta saxiinay qeybtii ugu horreysay weeyaan waana 49 milyan ee Euro, waxbarashada ayay ku saabsan tahay, waana qeybtii ugu horreysa ee Yurubiyanku ay ina siiyaan sanadkan, waxaan rajeynayaa in goobaha waxbarashada ee dalka looga faa’ideeyn karo”.

Lacagahan loogu talogalay horumarinta waxbarashada dalka ayaa ah mid wax weyn lagu qaban karo haddii loo maareeyo sidii ugu habbooneyd, isla markaana laga ilaaliyo musuqmaasuqa ragaadiyay horumarinta dalka.

Goobjoog News