U bood dhigaalka

Waxgarad Bilaabay Xallinta Dagaal Beeleed Ka Dhacay Duleedka Afgooye, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaanka Kaxarow ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay iney bilaabeen dedaallo lagu xalinayo dagaal beeleed dhowaan ka dhacay deegaankaasi.

Nabadoon Xaaji Ciise Cabdulle Cadaan oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladii ka dhacay deegaanka Kaxarow ay sababeen khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay in dagaalladaasi ay ka bilowdeen muran ka dhashay dhulbeereed halkaasi ku yaalla, iyadoo weli xaaladdu ay tahay mid aan deganeen.

Nabadoonka wuxuu hoosta ka xariiqay iney rajo wanaagsan ka qabaan xallintada dagaalladan, islamarkaana dhinacyada is haya ay wadahadal u furaan.

“Annaga rajo aad u wanaagsan baan ka qabnaa inaan xallino xiisadahan jira, weli Labada dhinac waa ay is horfadhiyaan, laakiinse annaga oo waxgaradkii ah ayaa ku baxay, waxaan rabnaa inaan kala qaadno, ku dhameyno waxa jira wadahadal, xabad dambena aanay dhicin” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Kaxarow ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo shacab ah, iyadoo lasoo sheegayo in deegaankaasi ay ka barakaceen badi dadkii deganaa.

Goobjoog News