U bood dhigaalka

Waxgarad Dhaliilay Guddiga Abaaraha Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen Odyaal dhaqameed iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada bari ee gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyey guddiga abaaraha maamulka Galmudug.

Waxay waxgaradkani ku eedeeyeen guddigan ineysan weli deegaannadooda aan la gaarsiin deeq lacageed oo ay sheegeen in dowladda Federaalka ku wareejisay guddigaasi si wax looga qabto abaarta guud ee ka jirta Galmudug.

“Guddiga abaaraha ee Galmudug ayaan ka cabaneynaa, annaga oo gobolka Mudug ah baan cabaneynaa, caawinadii iyo deeqdii loo soo direy Galmudug qeybteenna ma aanu helin oo waan weynnay, waxaan rabnaa in degdeg xaqeenna naloogu keeno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradkii ka hadlay kulankaasi.

Waxgaradkan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, guddiga abaaraha qaranka iyo hoggaanka maamulka Galmudug iney il gaar ah ku hayaan shaqooyinka ay wadaan guddiga abaaraha Galmudug.

Deegaanno badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar  baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana socda dedaal loogu gurmanayo dadka ay abaartu hayso.

Goobjoog News