U bood dhigaalka

Waxgarad Eedeyn u Jeediyey Maamulka Somaliland

Sheeko:Dalka

Odoyaasha iyo waxgaradka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiye Madaxweyne Siilaanyo in uu ka baxay heshiis horey ay ula gaareen maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen waxgaradkan in dhankooda ay fuliyeen heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland, oo ay ugu horreysay iney qaataan kaararka is diiwaangelinta doorashada.

Waxay tilmaameen in heshiisyadii lagu gaaray Awrbogeys iyo Adhi-cadeeye uu dhanka maamulka Somaliland ka jabay kadib markii ay ku guul dareysteen fulinta qodobadii heshiiska.

“Shirkii Awrbogeys iyo Adhi-cadeeye ee ballanta Somaliland ku kala qaadannay waxaan leenahay waxbo kama dhaqangalin, Somaliland balankii aan galnay ayeey ka baxeen, annagana waan ka baxnay, qeyb kamid ah heshiiskii la gaaray annaga waan fulinney” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradkii halkaasi hadalka ka jeediyey.

Maamulka Somaliland ayaa horey heshiis ula galay qaar kamid ah beelaha dega gobollada Sool iyo Sanaag,  kadib markii ay ka biyo diideen doorashada Somaliland oo la doonayey in halkaasi ay ka dhacdo.

Goobjoog News