U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Deyriyey Xaaladda Barakacayaal Ku Sugan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa aad ka deyriyay nolosha qoysaskii ku xoolo beelay abaaraha dalka ku dhuftay.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka tirsan waxgaradka Gobolka Mudug kuna sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in kumanaan qoysas oo ku soo barakacay Gaalkacyo iyo hareeraheeda ay aad ula dhibaatoonayaan xaalado dhanka nolosha ah.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in sidoo kale marka laga soo tago raashiinka iyo biyaha aanay dadkaan haysan daryeel caafimaad.

“Intaan soo arkay dadka waa kuwo aad u dhibban, waa kuwo aan haysan wax ay cunaan ama ay cabaan, caruurtii nafaqo darri ayaa haysa, dadkaan ma helin gurmadkii loo baahnaa, maanta waxay joogaan meel halis ah” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhanka kale Nabadoon Aloore ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu dhibaato badan ku hayo deegaanno ka tirsan Mudug, ayna u dhinteen carruur ka badan 5, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda dhexe in gurmad hagar la’aan ah u fidiyaan shacabka ku dhibban gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News