U bood dhigaalka

Waxgarad Khor Yimid Heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka khaatumo qaarkood ayaa kasoo horjeestay heshiis maalin kahor ay magaalada Hargeysa ku wada gaareen maamulkooda iyo Somaliland.

Garaad Jaamac Cali oo kamid ah waxgaradkan ayaa sheegay in wax aysan qaadin ay tahay in ay ku biiraan Somaliland, islamarkaana ergada Hargeysa u direen ay ahayd oo kaliya kuwo dhanka nabadda loo idmaday, ee aan loo dirin in Somaliand lagu biiro.

“Xubnaha aan u dirnsannay Hargeysa ma ahayn kuwo aan u dirnay iney inoo raraan Somaliland ee waxay ahayd oo kaliya in aan ka wada xaajoonno wada noolaanshiyaha, nabad ku wada deganaanshiyaha, ulajeedka aan Khaatumo u sameysannay waxay tahay iney talooyinkooda u madax bannaanaadaa, waxaan u sheegayaa bulshada in marnaba aanu annaga raali ka ahayn arrintaasi” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Dhanka kale Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay waxgaradka gobollada Sool iyo Sanaag iney isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo arrimaha ku aadan heshiiskii Hargeysa.

Somaliland iyo Khaatumo ayaa 17-kii bishan waxay heshiis ka kooban 5 qodob, qaarkoodna ku aadan midow ay sameynayaa Labada dhinac ayaa waxay ku gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Goobjoog News