U bood dhigaalka

Waxgarad Xaliyey Tabashada Ciidankii La Wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Dalka

Ciidamadii Daraawiishta Puntland ee maanta la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland ayaa baneeyey halkaasi kadib markii ay arrintaasi soo dhexgaleen waxgaradka maamulkaasi.

Ciidamadan ayaa halkaasi haystay saacado dhowr ah, waxaana ay ku xanibeen halkaasi xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland.

Saraakiishii hoggaamineysay ciidamadan ayaa sheegay in aysan haysan wax xuquuq ah, muddo badan aaney qaadan mushaar sidoo kalena aysan daryeel helin ciidankii ku naafoobay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada Mudug iyo Nugaal.

Ma jirin wax kulan ah oo halkaasi ku lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka Puntland, hase ahaatee halkaasi waa ay isugu yimaadaan oo waa ay ku kala warqaataan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa ugu dambeyn u tagay ciidamadan oo u balanqaadey in la xalinayo cabashadooda, iyaga oo middaasi aqbalay kadibna ay halkaasi faarujiyeen.

Mid kamid ah xildhibaannadii ku xanibnaa xarunta baarlamaanka Puntlan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay ciidamadaasi kala kulmeen, kaliya ay u sheegeen  iney yihiin xuquuq raadis.

Marar badan sidan oo kale ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la wareegay xarumaha maamulka kadib markii ay cabasho ka muujiyeen mushaar la’aan.

Goobjoog News