U bood dhigaalka

Waxgaradka Gaalkacyo Oo Farriin u Diray Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa si kulul u cambaareeyay fal afduub ah oo ciidanka Liyuu Boolis ee maamulka Soomaali Galbeed ugu geysteen haween gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Geelle ayaa Goobjoog News u sheegay in Itoobiya aan laga yeeli doonin in ciidan iyaga hoostaga ay dad shacab ah ka qafaashaan deegaannada Galmudug.

Waxa uu Nabadoonka ku eedeeyey maamulka Soomaali Galbeed in maalmihii ugu dambeeyay ay tacadiyo kala duwan u geysanayeen shacab aan waxbo galabsan, isaga oo ugu baaqay dowladda Federaalka in aarintani ay wax ka qabato.

“Waxaan ka xunnahay in dhibaato loo geysto shacab aan waxbo galabsan, ciidanka Liyuu Boolis Gabdhaha ay qafaasheen haddii iyaga oo nabad qaba aanay soo celin wax badanbaa isbedali doona, Itioobiya iyana waxaan leeyahay ciidankaa idinkaa maamuyla mana aqbaleyno in deegaannadeena wixii ay rabaan ka sameystaan” ayuu yiri Nabadoon Geelle.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa Labo maalin kahor waxay Labo Haween ah ka qafaasheen duleedka deegaanka Gelinsoor, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn halka ay la aadeen illaa iyo haatan.

Goobjoog News