U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Bari Oo Sheegay In La Jir Dilay Maxaabiis Dil Lagu Xukumay

Sheeko:Dalka

Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Bari ayaa ka hadlay xaaladda 7 dhalinyaro ah oo horey maamulka Puntland dil ugu xukumay.

Waxa uu sheegay nabadoonka oo la hadlay Goobjoog News, in shalay oo Jimco ahayd uu xabsiga Boosaaso ku booqday dhallinyaradaasi, waxaana uu tilmaamay in la jirdilay markii ay ku jireen goobaha dambi barista.

“Jimcadii waxaan tagnay jeelka Boosaaso, waxaan kusoo aragnay dhallinyaradii 7-da ahayd ee dilka lagu xukumay ayaan u kuurgalnay, waxaan kusoo aragnay arrin aad looga naxo, waxaa lagu sameeyey dhallinyarada jir dil meello badan ka saameeyey oo waliba halis ah, waxay sheeganayaan in dhibaato badan loo geystay, aad ayaan arrimahaasi uga xumaanay, waxaan idiinla soo xiriirnay waxay tahay in arrintan dib loo baaro oo la helo dhaqaatiir, dhallinyaradan waxaa loo qabtay kiisas dil ah oo ka dhacay gobolka, waxay tahay wax aan is qabaneyn sida loo xukumay iyo markii xukunka la sameynayey oo waraaqo loo keenay, suulka laga saaray oo wax la xiriira xitaa aysan ogeyn walibana qaadigii xukunka qaadayey aanu iyaga wax weydiin, sidoo kale dadkii baarayey ayaa ku qasbay iney sheegaan wax aysan ahayn, wiilashan waxay kasoo kala jeedaan gobollada kale ee Soomaaliya, maadaama gobolka Bari shaqooyin ka heysteen ayaan ugu kuurgalnay, waa in arrintan dib loo galaa oo cid walba oo cadaalad raadineysa dib u eegtaa, waxaana jirkooda ka muuqda calaamado” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Xarago ayaa dhinaca kale ugu baaqay ehlada dadkii lagu eedeeyey dhallinyaradan iney dileen in ay ka qeybqaataan baaritaankan oo aan fulinta xukunka lagu riday aan lagu degdegin.

Dhallinyaradan 7-da ah ee xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa kasoo kala jeeda intooda badan gobollada Dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya.

Goobjoog News