U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Ku Baaqay Wada Hadal

Sheeko:Dalka

Nabadoon Daahir Dhangad oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee weli ka taagan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu baaq ugu direy odayaasha maamulka Galmudug islamarkaana codsaday in laga wada shaqeeyo nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.

“Dadka Reer Galmudug walaal baa nahay dad aan deris nahay ayaa nahay sidii wax loo sixi lahaa waa in laga wada hadlaa waa in sidii aan u heshiin jirnay aan nabadgalyada u raadinno, odayaashii, waxgaradkii iyo ururradii bulshada ee nabadda Mudug jeclaa waa joogaan wax qalad sameynaya naguma jiraan adinka dad baa idin soo dhex galay dadkaas waxa weeye waa kuwa xumo ka talis ah” ayuu yiri Nabadoon Daahir Dhangad.

Wuxuu sheegay in ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin nabadgalyada magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu dagaal dani ugu jirin reeraha deggan gobolka Mudug.

Dhanka kale, nabadoon Daahir Dhangad ayaa eedeymaha loo jeedinayo Puntland ee ah in dagaalka ay iyadu soo qaaddo had iyo jeer ka beriyeelay oo beeniyay, wuxuuna sheegay in wax dagaal ah oo dhankooda ka yimaada uusan jirin.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug markii ay magaalada Gaalkacyo ka sheegeen in wasiirraddii Puntland ay diideen in laga wada hadlo colaadda ka taagan galbeedka magaalada Gaalkacyo, taasoo ay ku dhinteen dad fara badan kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News