U bood dhigaalka

Waxgaradka Sh/hoose Baaq u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Shabellaha Hoose ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney siideyso Nabadoon Siidow Axmed Shimbirow oo habeen kahor ay ciidamada dowladda kala baxeen hoygiisa ku yaalla degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose.

Nabadoon Axmed Maxamuud oo kamid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in si sharci darro ah loo xiro Nabadoon Shimbirow.

“Ciidanka watey Nabadoonka waa kuwa dowladda, waxay ula dhaqmeen Nabadoonka si aan wanaagsaneyn, habeen madow ayeey u dhaceen, qofka haddii uu dambi galo xitaa sharaf ayaa loo wadaa, waayo ninkaan waa nin mas’uul ah, la argagax geliyey carruurtiisa iyo haweenkii guriga joogay, dowladda waxaan ugu baaqeynaa in arintaan ay degdeg uga soo jawaabto, ay soo daayaan nabadoonka” ayuu yiri Nabadoon Axmed.

Nabadoon Siidow ayaa ku xiran sida la sheegay xabsi ku yaalla deegaanka Balidoogle ee Shabellaha Hoose, iyadoo illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray.

Dhanka kale maamulka gobolka Shabellaha Hoose kama aanu hadal xarigga Nabadoon Shimbirow.

Goobjoog News