U bood dhigaalka

Waxgaradka Sh/hoose Oo Dacwo Ka Ah Ciidamada AMISOM

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayaa qeylo-dhaan ka muujiyey tacaddiyada kala duwan ee ciidamada AMISOM ka geystaan deegaannada gobolkaasi.

Waxay sheegeen waxagardkaan in maamulka gobolkooda aanu wax war ah kasoo saarin dhacdadii dhowaan ay AMISOM ka geysteen deegaanka Ceelasha biyaha, halkaasi oo ay gaari ku jiirsiiyeen Saddex ruux.

Nabadoon Axmed Maxamed Maxamuud oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in AMISOM ay kordhiyeen waxyeellada ay u geystaan dadka shacabka ah, waxaana dowladda federaalka ugu baaqay in dhibaatooyinkaan ay wax ka qabtaan.

“AMISOM dhibaato badan ayeey u geysteen dadka shacabka ah, waxay maalin dhoweyd ay gaari ku dileen Saddex qof oo shacab ah, cid ka hadashay maleh, maamulka gobolka kama aanu hadal arrintan, sidoo kale deegaanno ku dhow Marko madaafiic ayeey ku garaaceen, shacab ayeeyna waxyeello soo gaartay, waxaan u baahannahay in dhibaatooyinka AMISOM wax laga qabto, dowladda waxaan ugu baaqeynaa in ciidamada AMISOM ay wax ka qabtaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Khamiistii aynu kasoo gudubnay, gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa Saddex wiil dhallinyaro ah ku jiirey deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News