U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay KM5

Sheeko:Dalka

Weerar Ismiidami ah ayaa galabta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goobta ku qarxay kaasi oo geystay khasaare naf iyo maaleh.

Qaraxa ayaa saameeyay shacab badan oo ku dhowaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu burbur xooggan u geystay xarumo ganacsi oo halkasi ka dhowaa.

Warar horudhac ayaa sheegaya in illaa 50 qof ku dhinteen halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaa intaas dheer dhismayaal ay ku jiraan daarta Zoobe, Hotel Safaari, goobo ganacsi, maqaayado iyo guryo meesha ka dhawaa ayey khasaare ka soo gaartay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News