U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Jaamacad Ku Taalla Kenya

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan, loogana shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney weerar ku qaadeen Jaamacadda Farsamada ee deegaanka Ukunda, kaasi oo hoostaga magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in raggan ay rasaas xooggan ku fureen albaabka jaamacadda, waxaana halkaasi ku dhintey Labo ruux oo Jaamacadda ka shaqeynayey iyo sidoo kale ciidamo amniga sugayey.

Ciidamada ammaanka ayaa buux dhaafiyey jaamacadda la weeraray, iyadoo xaalad kacsanaan ah lasoo sheegayo.

Saraakiil u hadashay Booliiska Kenya ayaa sheegay iney baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarka oo tiro ahaan gaarayey 5 ruux.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News