U bood dhigaalka

WHO: 12 Nooc Oo Bakteeriyo ah oo Dhibaato Culus Ku ah Aadanaha

Sheeko:Caafimaadka

Ururka Caafimaadk Adduunka ayaa sheegay Isniintii iney jiraa xaalado degdeg ah oo loo baahan yahay in lagu baadigoobo hurumarinta Antibiotics cusub oo lagula dagaalamayo 12 nooc oo ka mid ah Bakteeriyada cudurrada keena oo howltabinta Koowaad leh, waxayna ku tilmaameen iney tahay dhibaatada ugu culus ee soo waajahaya aadanaha.

Ururka ayaa sheegay in imbadan oo ka tirsan Bakteeriyada ay noqday jeermisyo dilaa ah oo aaney waxba ka tarayn hadda dawooyinkii lagula dagaalami jiray oo ay la la qabsadeen darteed.

Ururka ayaa tilmaamay in Bakteeriyadu ay la timid xeelado cusub oo u suurtogaliyay iney u adkeysato dawooyinkii lagula dagaalami jiray.

Waxay kula dardaarantay dowladaha dunida iney maalgelin ku sameeyay cilmibaarisyada dhanka caafimaadka iyo horumarinta daawooyinka Antibiotics-ka ah ee lagula dagaalamo Bakteeriyada, ee aan lagu tiirsanaan oo kaliya shirkadaha ganacsi ee dawooyinka sameeya.

Dr. Marie-Paul Kieny oo ah agaasimaha guud ee Nidaamka caafimaadka iyo curinta ee WHO ayaa tiri: “Dulqaadka ay Bakteeriyadu u yeelatay Antibiotics-ka way sii kordheysaa, dawooyinka lagula dagaalami karaana way yaryihiin”.

Waxay intaa sii raacisay: ” Haddii aan ku sii dayno awoodda suuqa oo kaliya, suurtogal maaha iney Antibiotic-ga la  horumariyo, taas oo si xoog ah loogu baahan yahay xilligan hadda la joogo”.

WHO waxa uu faafiyay tirada cudurrada hortabinta leh, waxayna u qeybiyeen Saddex qeybood, Kuwo Khatar ah, kuwo heerkoodu sarreeyo iyo Dhexdhexaad.

Tabanaankiis sanno ee ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay in Bakteeriyadu ay noqotay mid iska difaacaysa dawooyinkii lagula dagaalami jiray, tusaale ahaan Bakteeriyada “Staphylococcus” oo faracyadeeda qaarkood sida; tan keenta cudurka Qaaxada oo awoodbadan u yeelatay iney iska difaacdo dawooyinkii lagula dagaalami jiray cudurka.

12 Nooc oo Bakteeriyada iyo sida ay u kala Khatarsan yihiin 

Hortabinta 1aad: Khadar Badan 

  1. Acinetobacter baumannii, carbapenem-resistant
  2. Pseudomonas aeruginosa, carbapenem-resistant
  3. Enterobacteriaceae, carbapenem-resistant, ESBL-producing 

Hortabinta 2aad: Heersare 

  1. Enterococcus faecium, vancomycin-resistant
  2. Staphylococcus aureus, methicillin-resistant, vancomycin-intermediate and resistant
  3. Helicobacter pylori, clarithromycin-resistant
  4. Campylobacter spp, fluoroquinolone-resistant
  5. Salmonellae, fluoroquinolone-resistant
  6. Neisseria gonorrhoeae, cephalosporin-resistant, fluoroquinolone-resistant 

Hortabinta 3aad: Meeldhexaad 

  1. Streptococcus pneumoniae, penicillin-non-susceptible
  2. Haemophilus influenzae, ampicillin-resistant
  3. Shigella spp., fluoroquinolone-resistant

Goobjoog News