U bood dhigaalka

Xaaf Oo Dhex-dhexaadin Ka Dhex Bilaabay Beelo Ku Diriray Galkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Geele(Xaaf ) ayaa la sheegayaa in qeybo ka mid ah Mudug uu ka bilaabay dhex-dhexaadinta beelo halkaasi ku diriray.

Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Galkacyo ayaa xil iska saaray sidii Xal waara loogu heli lahaa Isku dhacyada inta badan dhex  mara dadka Reer miyiga ah oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale dhawaan heshiis la galay Ahlu-sunna oo ah koox ku xoog badan bariga iyo koonfurta Galmudug, heshiiskaas oo fulintiisa wax badan ka badali kara horumarka guud ahaan Galmudug.

Galmudug marka la soo tago Ahlu-sunna, dagaallada Galkacyo waxaa sidoo kale jira deegaanno badan oo ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News