U bood dhigaalka

Xaaf Oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib doorasho ka dhacday degmada Cadaado.

Waxaa codeysay 89 xildhibaan, waxaana halaabay 1 cod.

Xaaf ayaa kusoo baxay wareegga Labaad ee doorashada wuxuuna helay codad gaaraya 54 halka musharraxii kula tartamayey wareegga Labaad oo lagu magacaabo Axmed Cali Hilowle oo isna helay coadad gaaraya 34

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhowaaqay natiijada doorashada, iyadoo la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Xaaf.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo marti sharag kale ayaa halka ay ka dhacayso doorashada goob joog ka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News