U bood dhigaalka

Xaaf “Wasaarad Boorso Lagu Wataa Ma Jireyso”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ka hadlay arrimo badan ayaa ugu horreyn sheegay in maamulkiisa uu ku dedaalayo ka shaqeynta dib u dejin loo sameeyo qoysaskii ku xoolo beelay abaarta ee ku sugan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xaaf iney muhiim tahay sameynta qorshe looga gaashaanto waxyeellada abaarta xilliyada qaar dalka soo marta, taasina looga gudbiro isku tashi iyo wadashqeyn maamulka ah.

“Adduunka waxaan warsaneyno waxa ugu badan waa dib u dejin, ma ahan dib u quudin, waa inaan dadkeenna xeebaha geynnaa, waa in aan xoolo u abuurnaa, waa in aan cuntada xoolaha u abuurnaa si aanay mar kale uga dhammaan, shaqo ayaa inoo taalla aan dalkeenna xoreysanno, aan dadkeenna u raadinno waxay cunaan, aan dadkeenna barno iney iskuullada fiican yihiin, howshan waa inoo wada taallaa” ayuu yiri Xaaf.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in howlahan oo dhan lagu gaari karo xukuumadda oo si wanaagsan u shaqeysa, islamarkaana aan la ogolaan doonin wasiir aan xafiis lahayn.

“Inaan xafiisyada dowladda dhisno, inaan wasaaradaha dhisno, wasaarad boorso lagu wataa ma jireyso, wasaaradda waa iney xafiis iyo meel ay isugu tagtaa yeelataa, haddii aad aragtaan wasiir iska ordayo inoo soo sheega” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in dhaqaale xumo ay ka jirto deegaanka, si taasi looga gudbana muhiim tahay in la bilaabo qaadista Canshuurta.

Goobjoog News