U bood dhigaalka

Xaaladda Nololeed Ee Dadkii Ka Barakacay Dagaallada Sh/dhexe Oo Laga Deyrinayo

Sheeko:Dalka

Xaaladda nololeed ee dadkii ka barakacay dagaal dhowaan ka dhacay Tuulada Jameeca Misre ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa laga deyrinayaa, kadib markii dadkaan la sheegay iney waayeen wax ay cunaan ama ay cabaan.

Guddoomiyaha Tuulada Jameeca Misre oo hoostagta degmada Balcad Cabudlle Ibraahim Cali ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadkan ay fadhiyaan meel cidlo ah, aysan haysan meel ay gambaad ka dhigtaan, raashiin iyo biyo.

“Dadka baahi ayeey u dhiman rabaan, waxay ku sugan yihiin meel bannaanka ah, ma haystaan meel ay roobka ka galaan, raashiin ma haystaan, biyana sidoo kale, carruur badan ayaa dadka ka maqan, waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdulle ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah iyo dowladda federaalka in gurmad degdeg ah ay la gaaraan qoysaskan ku dhibban gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhowaan dagaal khasaare kala duwan geystay ayaa ka dhacay Tuulada Jameeca Misre, oo ku dhow degmada Balcad, mana jirto weli  cid kala dhexgashay dhinacyadii dagaallamay.

Goobjoog News