U bood dhigaalka

SAWIRRO: Xaaladda Wariye Cabdi Xamiid Karsaay Oo Saakay Ku Dhaawacmay Qarax Loogu Xirey Gaarigiisa

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaaladda caafimaad, wariye Cabdi Xamiid Karsaay oo ka tirsan Tv-ga Universal kaasi oo saakay ku dhaawacmay qarax Miino oo la sheegay in gaarigiisa loogu xirey.

Wariye C/casiis Okey oo ay wada shaqeeyaan Karsaay ayaa goor dhow Goobjoog News, u sheegay in xaaladda wariyaha ay tahay mid aad u daran.

Waxa oo Wariye Okey sheegay in hadda lagu dabiibayo Karsaay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

“Xaaladiisa waa Qatar, waxaana geysnay Isbitaalka Madiina, waxaana socda dedaal wax looga qabanayo xaaladiisa caafimaad” ayuu yiri Wariye Okey.

Wariye C/casiis Okey oo faah faahin ka bixiyey qaabka uu u dhaawacmay wariyaha ayaa inoo sheegay, in gaariga Karsaay uu dhigan jirey banaanka kore hoyga uu ka deggan yahay degmada X/weyne, ayna suuragal tahay in halkaasi Miinada looga soo xirey, isaga oo intaa raaciyey in qarax uu dhacay markii wariyahan uu damacsanaa in shaqadiisa uu aado.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

004 003 002 001

Goobjoog News