U bood dhigaalka

Xal Laga Cabsi Qabo: Muddo Kordhinta Dowladda Federaalka

Sheeko:Qormooyin

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay wadamada dhaca qaaradda Afrika gaar ahaan geeska afrika waxaa deris la ah wadamada Kenya, Ethiopia, Djibouti kuwaa oo intooda badan ay ciidamo ka jooogaan Dalka Soomaaliya, sidoo kale dalalka ay Ciidamada Ka jiigaan Soomaaliya waxaa ka mida Ugandha iyo Brundi ku waa oo ku jooga Mandate.

Dhammaan dalalka aan kor ku soo xusey qaarkood waxa ka dhacay xasarado ku lug leh Doorashooyinka, wadankii ugu dambeeyey ee ay ka dhacdo xasarad la xiriirta doorashooyinka welina ay taagantahay ayaa ah wadanka Brundi kaa oo ay ciidamo a joogaan Soomaaliya.

Xasaradahaas Ka dhacay dalka Burundi sanadkan ayaa salka ku haya arimo la xiriira Doorashooyinka, ka dib markii madaxweynaha dalkaasi uu ku dhawaaqey in uu u tartamayo mar saddexaad xilka madaxnimo ee  dalkaasi, taas oo sababtey in uu ka dhoco dalkaasi afgembi fashilmey oo ay soo qaban qaabiyeen saraakissha Ugu sareysa dalkaasi, iyadoo ay weli taagantahay dhibaatada ka dhalatey doorashooyinka dalkaasi oo ay dad badani ku naf waayeen.

Sidoo kale wadanka Kenya waxaa ka dhacay dagaal uu dhiig badan ku daatey dhammaadkii sanadkii 2007 iyo horraantii 2008-dii ka dib khilaaf ka dhashey qaabka doorasho ee dalkaasi, khilaafkaa ayaa waxa uu u dhexeeyey madaweyne Moi kibaki iyo horjoogaha mucaaradka dalkaasi Kenya Raila Odinga kaa oo uu Kenya ka soo horjeesteen Dooradho ay sheegeen in ay ahayd mid musuqaasuq ku salay, dagaalkan ayaa waxa uu galaaftey nolasha dad kor u dhaafayaa 1,300 oo qof, kadib markii dagal uu dhexmarey qabaaillo kala taageersan Labada Hogaamiye ee mucaaradka iyo muxaafidka dalkaasi Kenya.

Dhowaan labada Gole ee xukuumadda iyo Barlamaanka waxa ay sheegeen in doorasho qof iyo Cod ah aysan Ka dhici jarin Soomaaliya, Sababtoo ay ku sheegin in aan loo hayn waqti ku filan, balse waxa ay sheegeen in doorasho ay dhici doonto, balse aan la ogayn qaabka ay noqon karto maadaama lagu balansanaa in 2016 ay dhaci doonto doorasho qof iyo Cod ah. hadlakaan waxaa ka soo horjeestey xisbiyada dalka, ururada Bulshada rayidka iyo qaar kamid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka kuwa oo sheegey in dowladdo ay ka hor dhcdey ayna ahayd in ay ka war sugto guddiga magacaaban ee Doorashooyinka qaranka.

Sidaa si la mida Maamulka Somaliland waxaa ka taagan khilaaf la xiriira doorashooyinka, taa oo sababtey in la xir xiro dad ka tirsan Mucaaaradka Somaliland, kadib markii waqtigii lagu ballansanaa in ay doorasho dhacdo la shaaciyey in aan doorasho dhici Karin, taasna ay sababtey in muddoo loogu daro Xukuumadda Somaliland, arintan ayaa dhalisey Khilaaf xoogan welina waxa taagan khilaafkii ay reebetey arintaas.

Sidoo kale, waxaa muqdishu lagu qabtey Shirka HIGH LEVEL PARTNERSHIP FORUM, oo ay ka soo qeybgaleen dowlado badan oo soomaaliya Saaxiib dhow la ah, balse waxaa ka maqnaa shirkaas dowlad goboleedyada Punland, Somaliland iyo Jubbaland. waxaa shirka ka soo baxay qodobo badan oo ay ka mid yihiin in ay doorasho qof iyo codkiisa aysan ka dhici Karin Soomaaliya.

Sidoo kale dowlad goboleedka Punland waxa ay soo saartey Warmurtiyeed ay ku sheegeyso sababaha kalifey in ay ka maqnaato shirka iyadoo sheegtey in Dowladda federalka ay jebisey Dastuurka Dalak isla markaana dowladdu dhistey maamul goboleed aan waafaqsaneen Dastuurka. Dad badan oo siyaasadda Falanqeeya ayaa sheegey in ay horey u ogaayeen in Aysan doorasho qof iyo codkiisa ay san dhici Karin sababta oo ay yiraahdeen madaxda dalka oo aan u diyaarsaneen in doorasho qof iyo codkiis ah ay dhacdo. Sidoo kale maammulka Somaliland ayaa sheegey in ay riwaayad ahayd in doorasho qof iyo Codkiis ah ay ka dhacdo Soomaaliya. Hadda waxaa Muuqata ifafaale ah in muddada loo kordhiyo Dowlada Hadda Jirta.

By: Abdikani Ali adan