U bood dhigaalka

Xaliimo Yareey: Doorashada Qof Iyo Cod Waa Ay Dhacaysaa Waqtigeeda

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka qaran ayaa sheegay in aynaan wax cabsi ah ka qabin in sanadka 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoonto dalka.

Guddoomiyaha guddigaasi Xaliima  Yareey oo wareysi siisay Goobjoog ayaa sheegtay inay ka guddi ahaan dedaal badan ku bixinayaan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho ka hufan musuq iyo wax isdabamarin.

Waxay sheegtay in aysan wax cabsi ah guddigooda uu ka qabin dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada qof iyo codka ah oo horey loo qorsheeyay in sanadkii tegay dalka ay ka dhacdo.

Dhowaan ayay sheegtay Xaliima Yareey in guddoonka baarlamaanka federaalka ay u gudbin doonaan warbixin dheer oo ku faahfaahsan howlaha guddigooda iyo qorshaha doorasho.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed in ka guddi ahaan aan diyaar u nahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, wadadeedana waan haynaa” ayeey tiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha guddiga doorashada qaran Xaliima Yareey ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi halkaas oo lagu soo gebagebeeyay aqoon isweydaarsi ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashada heer qaran, xubno ka socday guddiyada doorashooyinka carabta iyo hay’adaha Qaramada Madoobe ee taageera Soomaaliya.

Goobjoog News