Xaliimo Yarey Oo Sheegtay 12 Caqabad Oo Hor Taagan Qabsoomidda Doorasho Qof Iyo Cod Ah 2020-ka

xaliimo 1

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa sheegtay caqabadaha hor-taagan in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Xaliimo Yarey shaki ugama jiro in ay doorasho dalkan ka dhaceyo 2020-ka laakin waxaa ay walaac ka qabtaa hirgelinta heshiisyada iyo sharaciyadii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Caqabada ay sheegtay Xaliimo Yarey aad ayey u badnaayeen laakin waxa aan ku soo koobney illaa 12 caqabadood, kuwaas oo haddii aan la fulin aaney dhici doonin wax doorasho  oo qof iyo cod ah 2020-ka.

Halkan Ka Akhriso: 12 Caqabad Oo Hor-taagan Doorasho Qof Iyo Cod Ah Oo Dalka Ka Dhacdo 2020-ka

1.Hirgelinta La’aanta Sharciyada:  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey waxaa ay sheegeysaa in weli aan la sameyn, lana meel-marin sharciyo muhiim u ah doorashada 2021-ka ee qof iyo cod sida: sharciga doorashooyinka, sharciyada xisbiyada ku shaqeyn lahaayeen, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta iyo sharciyo kale oo haddii aan la meel marin aaney dhici doonin dooarsho qof iyo cod ah 2020-ka.

2. Xisbiyada Ma Diiwaan gishna: Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxaa ay Goobjoog News u sheegtay in axsaabta dalka ka jirta aan hor-u-mar la laga sameyn,  Xaliimo waxaa ay sheegtay in ay la shaqeysay in badan xisbiyada, isla markaana goordhaw loo sameyn doono diiwaangelinta KMG ah ama aan joogtada aheyn kadibna si rasmi ah loo diwaagelin doono.

3. Xafiis La’aan: Marwo Xaliimo waxaa ay xilligan si KMG ah ugu shaqeysaa xafiis ay tagistiisu aad u adag tahay oo ku dhex-yaalla madaxtooyada Villa Somalia, waxaa ay codsaneysaa in umadda ay dhex gasho oo xafiis looga sameeyo meel qof walba iman karo oo cabashada lagu dhageysan karo, haddii sidaasi aaney dhicin, waxaa adag in xafiiskaas iyo shacabka is bartaan, isla markaana ay wada shaqeeyaan.

4. Miisaaniyad La’aan: In kasta oo guddiga miisaaniyadda sanadlaha  ee dowladda lagu daro, tusaale ahaan sanadihii  hore lacago loo qoondeeyay  sida: $250,000 sanadkii 2015-kii, 756,000 sanadkii 2016-kii  iyo sanadkan 2017-kana $444,000, Hadana waxaa ay Xaliimo sheegeysaa in bilaha qaar aan la bixin xitaa mishaaraadka mas’uuliyiinta xafiiska iyo shaqaalaha iskaba daa in laga hadlo miisaaniyad kale ‘e.

5. Shaqaale La’aan: Xaliimo Yarey waxaa ay ka sheegatay in guddiga oo 9 qof ah iyo 18 shaqaale ah oo keliya ay ka shaqeeyaan xafiiska guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, waxaa ay ku baaqday in shaqaalaha la badiyo oo meel walbo oo dalka ah ay dad ku yeeshaan.

6. Shacabka Ma Yaqanaan Doorasho: Xaliimo Ibraahim waxaa ay ku doodeysaa in shacabka Soomaaliyeed ay doorasho ugu dambeysay 1969-kii, isla markaana loo baahan yahay in la baro waxa ay tahay doorasho qof iyo cod ah, arrintaas oo sida ay sheegtay u baahan waqti iyo miisaaniyad.

7. Wacyigelin: Sharciyada haddii la meel-mariyo waxaa ay sheegtay in ay bilaabi lahaayeen wacyigelin ku saabsan doorashada 20121-ka, isla markaana ay u diyaar-garoobi lahaayeen sidii arrinkaas lagu fulin lahaa.

8. Xuduudeyn: Waxaa jirta caqabad kale oo ku saabsan in aan la aqoon xuduudaha maamul goboleedyada iyo goobaha cod bixinta ka dhaceyso 2020-ka, taas oo u baahan in guddiyo kale ay shaqeeyaan.

9. Iskaashi: Xaliimo Yarey waxaa ay codsaneysaa in la helo iskaashi ay yeeshaan dhammaan dadka ku shaqada leh doorashada  2021-ka sida shacabka, dowladda federaalka ah, maamul goboleedka iyo axsaabta.

10. Rabitaan Siyaasadeed: Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaaan  ee doorashooyinka  qaranka waxaa ay qabtaa in waxaas oo dhan ay ka horreeyaan in la helo rabitaan siyaasadeed oo ka yimaada dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo dhammaan dadka ay doorashada khuseyso oo ku tusinaya in ay doonayaan, daacadna ka yihiin doorasho qof iyo cod ah in ay dalka dhacdo 2021-ka.

11. Diyaarinta Iyo Diwaangelinta cod-bixiyaha: Xaliimo waxaa ay leedahay waa muhiim ah in qof kasta oo qaan-gaar ah, dhimir qaba, isla markaana aan dambi gelin ay tahay in loo diwaangeliyo in uu codeyn karo doorashada soo socota 2021-ka, oo aan lagu mashquul I.D iyo arrimo kale.

12. Si Doorasho U Dhacdo:  Xaliimo Yarey waxaa ay doorashada 2020-ka ku xirtay in la helo shaqaale, amni, rabitaan siyaasdeed iyo in sharciyada  doorashada la meel-mariyo si si dhaqso ah.

Guddoomiyaha waxaa ay soo qaadatay dalal badan oo sida Soomaaliya oo kale dagaallo ka dhaceen balse ay doorasho ka dhacday, waxaa ka mid ah Ciraaq, Afgaanistaan, Liberia, xitaa dhanka tirakoobka waxaa ay sheegtay in ay jiraan dalal kale sida Uganda oo tirakoob iyo I.D aanan dadkooda laheyn hadana mar walbo doorasho ka dhacdo, waxaa ay soo jiidineysaa in mar-marsiyaha la joojiyo shaqadana la bilaabo.

Ugu Dambeyntii waxaa ay guddiga doorashada wada shaqeyn ka filayaan hey’ado badan oo ay ka mid yihiin: Baarlamaanka si uu u dedejiyo sharaciyada doorashada, guddiga xuduudaha iyo wasaarado badan sida arrimaha gudaha, dastuurka, dib u heshiisiinta iyo hey’ado kale oo muhiim ay tahay in la shaqeeyaan guddigan si doorasho qof iyo cod ah u dhacdo 2020-ka.

Xaliimo Yarey weli lama kulmin sida ay Goobjoog News u sheegay madaxda cusub ee dowladda federaalka ah, waxaa kaloo ay qorsheyneysaa in dhowaan ay booqasho ugu tagto madaxda maamul goboleed, waxaa ay sheegeysaa in ay u baahan tahay ballan-qaad iyo in madaxdaas Soomaalida ay ka go’an tahay qabsoomiyadda doorasho qof iyo cod ah 2020-ka si aanay u dhicin wixii dhacay doorashadii 2016-ka.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey)  waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka July 27, 2015-kii,  shaqadooda waxaa ay aheyd in 2016-ka qabtaan doorasho qof iyo cod, taasi ma dhicin, laakin hadda waxaa Xaliimo Yarey ku rajo weyn tahay in doorasho dhici doonto 2020-ka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News