U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey: Waxaan Aadi-doonaa Gobollada, Dowlad Goboleed Kasta Waxaan Tagi-doonaa 4 Degmo

Sheeko:Dalka

 Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ayaa maanta ka hadashay qorshaha iyo sida ay u aragto doorashada 2021-ka.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) , waxaa ay ugu horeyn ka hadashay in qorashaha uu yahay mid talaabo talaabo loo qaadayo“Micnaheeda waxaa ay tahay maanta wixii ka dambeeya doorasho haddii aan ku shaqeneyno,  waxaa saldhig noo ah qorshahaasi aan degsanay oo aan tallaabo tallaabo ugu shaqeneyno, muhiim waxaa ay u tahay umadda Soomaaliyeed, si gaar ayey muhiim ugu tahay xisbiyada oo la rabo in ay tilaabo, tilaabo ula socdaan, waa wax la imtixaami karo oo la dhihi meeshan waa qaladeen, waxaan ma aadan qaban, waa midda aan rabno in dowladda commitment aan ka helno oo qorshaha ka qeyb-qaadato, waxaa nala fadhiyo wasiirka qorsheynta, hade qorshe isagaa mas’uul ka ah, qorshihii inagana waan soo diyaarinay, gobolka Banaadir sidii aan ula shaqeyn laheyn iyadana waa muhiim”.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) ,  waxaa ay soo jeedisay in ahmiyadda la siiyo xarun ay ku shaqeeyaan“Howlo badan dowladda waa ka saaran tahay mas’uul oo ay ugu horeyso xaruntii aan ku shaqeyn laheyn, ama anaga aan isku tashano, oo aan ka helno dowladeena ama gacan ha weydiistaano dowladaha”.

Dhinaca kale waxaa ay  Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ka hadashay wada tashi ay la sameyn-doonaan dadweynaha Soomaaliyeed“Waxaan idiin sheegaa go’aankii maalin dhaweyd ka soo baxay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada in guddiga doorashada uu soo sameeyo wada tashi, oo wax alaale dhibaatooyinka ka jira doorashooyinka ama ka hor imaankaro iyo sida looga gudbi karo in dadweynaha meel kasta oo ay joogaan kala soo tashano, waxaa aadi-doonaa gobollada, dowlad goboleed kasta waxaan tagi-doonaa 4 degmo oo aad u waaweyn, oo dadkooda wada tashi la soo sameyn-doono, waxaa ugu horeyn-doono gobolka Banaadir, waxaan wada tashi kala sameyn-doonaa doorasho hal qof iyo hal cod ah, guddoomiyaha gobolka waa nala fadhiyaa, siyaasiyiinta waa nala fadhiyaan, dowladana waa naga dambeysaa, inteenaas ayaa la rabaa in aan xal u helno doorashada, ”

Ugu dambeyntii, waxaa ay Xaliimo Yarey soo jeedisay in cid walba kaalinteeda ka qaadato sidii Soomaaliya doorashada uga dhici laheyd 2021-ka “Waxaan rabnaa 2018-ka in maalin aaney naga lumin, dowladda oo aan ka sugeyno taageero dhaqaale, hey’adaha caalamiga ah oo aan ka sugeyno kaalmaga dhaqaale in aaney maalin ka lumin, xisbiyada iyo siyaasiyiinta in ay isku soo diyaariyaan sidii doorashadaasi uga qeyb-gali lahaayeen, haddii aysan iyaga isa soo diyaarin doorashada ma jireyso iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan”.

Goobjoog News