U bood dhigaalka

Xareed Cali “Mooshinka Guddoomiye Cali Gacal Waa Mid Sharci Ah”

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo dhowaan xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ay mooshin ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi mudane Cali Gacal Casir ayaa waxaa ka hadlay mooshinkaasi guddoomiye xigeenka guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareedayaa saxaafadda isagoo kula hadlayay magaalada Cadaado sheegay inuu sharci yahay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Mooshinkani oo dhowaan ay saxiixeen 34 mudane oo baarlamaanka Galmudug ka tirsan waxay ku eedeynayaan inuu ku xadgudbay qodobo kamid ah dastuurka dowlad goboleedka Galmudug.

Waxay kaloo ku eedeeyeen inuu horey u wadi waayay oo socod siin waayay kala fadhiyadii baarlamaanka Galmudug iyo inuu diiday la xisaabtanka xukuumadda Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

“Waxaan rabaa inaan maanta halkan ka soo jeediyo warsaxaafadeed kooban kaasoo ah mooshin laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, markaan aragnay mooshinka sharciga ah oo xildhibaannadu keeneen taariikhdu markii ay ahayd 24-kii bishaan waxaan go’aansanay daruufaha gobolka ka jira dartood in ka doodista guddoomiyaha mooshinkiisa inaan dib u dhiganno” ayuu yiri Xareed Cali Xareed.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa seddex maalin ka hor magaalada Cadaado ka sheegay inuu xiran yahay kalafadhiga labaad ee baarlamaanka.

Magaalada Cadaado waxaa ka soconaya diyaargarowga doorashada aqalka hoose ee dowladda Soomaaliya arrintaas iyo howlo kale ayaana dib loogu dhigay ka doodista mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi Galmudug.

Goobjoog News