U bood dhigaalka

Xarumaha Ganacsi Ee Suuqa Islii, Nairobi Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaaanaya xaafaddda Soomaalida ku badan tahay ee Islii, Nairobi ayaa sheegaya in maanta oo Sabti ah aanu wax shaqo ah ka jirin, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan dukaamada ku yaalla xaafaddaasi.

Isku dhac Jimcihii dhex maray ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryar ee xaafaddaasi ayaa la sheegay in ay sabab u noqotay in la hakiyo ganacsigii Suuqa Islii.

Ganacsatada waaweyn ee leh dukaamada waaweyn ayaa la sheegay in kuwa yaryar ee Waratada ah u diidan yihiin iney ku ganacsadaan dukaamadooda hortooda, taasi oo shalay buuq kicisay.

Guddiga ganacstada xaafadda Islii ayaa sheegay in maanta ay xiran yihiin ganacsiga dukaamada Islii inta la xalinayo khilaafka jira.

Ganacsatada waratada ah ayaa la sheegay in qiimo aad uga jaban kuwa Dukaamada leh ay alaabta ku iibiyaan, waxayna ganacsatada waaweyn middaasi u arkeen suuq xumo soo wajahday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News