U bood dhigaalka

Xarumaha Lagu Iibiyo Cuntada Fudud Oo Kusoo Badanaya Cadaado

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug waxaa kusoo kordhaya xarumaha lagu iibiyo cuntada Fudud, kuwaasi oo hadda ah kuwo ku cusub magaalada.

Waxaa la arkayaa dad badan oo wax ka iibsanaya goobahan lagu iibinayo cuntada Fudud, dadka qaar meesha bay ku cunayaan halka qaarkoodna ay xaafadahooda u qaataan.

Shaqsi magaciisa inoogu sheegay Food, kana mid ah dadka iibiya cuntada fudud ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ay hadda aad u iibsadaan cuntadaasi.

Wuxuu tilmaamay in meello badan uu kasoo sameeyay xarumo sidan oo kale ah sida Puntland, Somaliland iyo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sameeyaa Mr Food, raashiin kala duwan sida Sabaayadda, Kalluunka la dumay iyo sidoo kale raashiin kale oo aad u fudud.

Cabdi Abshir Carab waa wiil dhallinyaro ah, waxa uu leeyahay xarun lagu iibiyo raashiinka Fudud ee degmada Cadaado, wuxuu Goobjoog u sheegay in xaruntan uu dhowaan furtay islamarkaana uu aad u faa’idey.

“Dhallinyarada ayaa u badan dadka wax inaga iibsada, waa ganacsi ay dadku muddo sugayeen, waxayna qeyb ka tahay tani ganacsiga Cadaado iyo isbedallada uu sameeyay, waana sii wadi doonnaa howlahan” sidaasi waxaa yiri Cabdi Abshir.

Degmada Cadaado ayaa aad ugu tallaabsaneysa horumarro kala duwan, waxaana degmada hadda ka socda ganacsi xooggan.

Goobjoog News