U bood dhigaalka

Xeebta Geellaq Oo Dib U Dayactir  Lagu Sameeyay Laguna Soo Kordhiyay Kuraas Cusub

Sheeko:War

Xeebta Geellaq ee degmada Xamar-weyne waxa ay ka mid tahay meelaha loo dalxiis tagi jiray muddo badan iyada oo ka muuqato burbur  saameeyay dhammaan bilicda degmada Xamar-weyne waxayna noqotay xeebtaan meel qashin qub ah.

Xilligan hadda la joogo waxaa laga dhisay darbiyo soo jiidasho leh oo ku haboon nasiinada, kuwaas oo loogu talo galay in ay ka qeyb qaataan soo nooleynta bilicda xeebta Geellaq ee degmada Xamar-weyne.

Xilliyada galbihii ayaad ku arkeysaa xeebtaan dad aad u faro badan kuwaas oo u soo damaashaad tagaya Geellaq si ay u helaan naacowda qabow ee ka imaanaysa badda.

Saadaq Xuseen Gacal oo ka mid ah dhallinyarada u soo damaashaad tagto xeebta Geellaq ayaa Goobjoog u sheegay in uu meel fog uga yimd xeebtaan qadiimiga ah.

“ Waxaan ka mid ahay dhallinyarada degan Xamar ,waxaan ku faraxsanahay maanta in aan halkaan imaado booqashana aan u imaado Geellaq, meeshaan in qashinka laga qaado oo darjiinno laga dhiso nasiinana lagu qaato aad iyo aad ayay u fiicantahay “.

Leylo Xuseen Gacal oo ka timid dalka dibaddiisa ayaa ka mid ah dadka booqashada u tagay xeebta Geellaq oo hadda ay soo laabaneyso bilicdii ay laheyd bari samaadkii, Leylo ayaa Goobjoo u sheegtay in ay ku faraxsantahay is badalka laga dareemayo goobaha loo dalxiis tago oo uu leeyahay dalka.

“Waxaa ka imid waddanka Switzerland, waxaan u arkaa meeshaan in uu ka jiro is badal dib u habeyn iyo nadaafad, aniga markaan baxayay waxaa baxay anigoo yar aad ayaa ugu faraxsanahay in waddankeenna uu is badal wanaagsan uu ka dhacay ”.

Xeebta Geellaq  waxaa ka soo horjeeda kawaanka Kalluunka ee degmada Xamar-weyne waxayna soo martay xeebtaan marxalado kala duwan kuwaas oo lumiyay quruxdii ay laheyd bari samaadkii .

Goobjoog News