U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Labo Beel Oo Laga Soo Sheegayo Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo beeleed ku sugan gobolkaasi.

Xiisaddani dagaal ayaa ka taagan degaanka Ballibusle oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in maleeshiyaadkan ay kasoo kala jeedaan maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo Labada dhinac isku uruursanayaan Ballibusle iyo deegaanno kale oo halkaais ku dhow.

Xiisadan ayaa timid kadib markii habeen kahor Labo ruux lagu dilay deegaankaasi, halka Khamiistii sidoo kalena la dilay ruux la sheegay inuu geel raacayay.

Nabadoon Cali Geelle oo kamid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaadiidka maamulka Puntland lagu dhaco geella, taasina ay keentay xiisadda.

Wuxuu tilmaamay nabadoonka in haddii aan arrintan si degdeg ah wax looga qaban ay keeni karto dagaal sababa khasaare kala duwan.

“Annaga nabadoonnadii baan nahay, dedaalkeenna ma yara, laakiinse Puntland gaadiidkeeda ayaaba lagu dhacaa geella, waxay meesha ay rabaan u diraan gaadiidka dagaalka, wixii ay doonaan ayeey dilaan, gaadiidka tuuteysan ee Puntland ayaa lagu dhacaa Geella, haddii aan wax laga qabanna dhibaato ayaa ka dhalan karta” ayuu yiri Nabadoon Geelle.

Dhanka Puntland xiriir aynu la sameennay ma aanay inoo suurtagelin inaan wax ka ogaanno eedeyntan loo jeediyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News