U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Dhaqaalaha Dalalka UK Iyo Urdun Oo Ay Saameyeen Go’doominta Qatar.

Sheeko:Dalka

Go’doominta ay dalalka  carbeed ku sameeyeen Qatar ayaa la sheegayaa in uu saameyn ku yeeshay xiriirka dhaqaale ee dalalka UK iyo Urdun.

Dhaqaalaha dalka Urdun ayaa waxaa soo gaaray khasaare weyn iyada oo dowladda Urdun ay khasaartay illaa iyo hadda lacag dhan labo milyan tan iyo markii Sacuudiga uu xiray xaduuda bariga ah oo uu la leeyahay dowladda Qatar.

Ganacsatada u dhalatay dalka Urdun kuwaas oo ka ganacsada dalagga beeraha ayaa waxa ay sheegeen in wax soo saarkooda ku socda Qatar ayaa bilaabeen in ay saaraan diyaarado maadaama xuduudka bariga ah uu xiranyahay.

Waxa ay tilmaameen ganacsataan in wax soo saarka maalin laha ah uu hoos u dhacay iyaga oo maalintii soo saara 90 tan, halka awal ay soo saari jireen 600 oo tan ka hor inta ay san dhicin ga’doominta Qatar.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa celisay 85 baabuur oo xamuul ah kuwaas oo siday khudaar iyo xoolo oo ay laheyd dowladda Urdun loona waday dhanka dowladda Qatar.

Dhanka kale Dowladda Ingiriiska ayaa waxay sheegtay in go’doominta la geliyay dowladda Qatar ay sameyn xun ay ku yeelan doonto dhaqaalaha  UK.

Dowladda UK ayaa waxay sheegtay in sanadihii 2013-2014 uu kordhay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya UK iyo Qatar iyada oo sanadahaasi UK ay Qatar u dhoofisay badeeco dhan 2.13 milyaar.

Dowladda Qatar ayaa waxaa lagu tiriyaa in ay tahay  suuqa ugu weyn dhanka wax dhoofinta bariga dhexe  iyo waqooyiga qaaradda Afrika sida ay sheegtay dowladda UK.

Dowladaha  Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxreyn ayaa 5tii bishan June waxa ay sheegeen in ay qaateen tallaabooyin ka dhan dowladda Qatar iya oo xiriirka u jaray galiyana ga’doon ganacsi, halka dowladda Urdun ay iyadana sheegtay in ay hoos u dhigtay Diblomaasiyaddii kala dhaxeysay Qatar.

Goobjoog News