U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Twetterka  Al-Jazeera Oo Hawada Laga Saaray

Sheeko:Dalka

Waxaa hawada laga saaray Twetterka rasmiga ah ee Telefishinka Al-jazeera: @AJArabic, arrintan oo la xiriirta sababo xagga Twetterka ah.

Bogagga ka soo horjeeda dowladda Qatar waxaa ay qoreen in loo xiray kadib markii lagu eedeeyay argigixisanimo.

Sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Al-Jazeera Yasir Abuu Hilaala, waxaa jira in la istaajiyay bogga Twetterka rasmiga Al-Jazeera halka ay shaqeenayaan boggaga kale ee hoostaga.

Dhankeeda qeybta Carabiga ee Al-Jazeera waxaa ay qorayaan in uu ku socdo weerar oo loo dhacay bartooda Twetterka hadana ay la tacaalayaan.

Lama oga sababta rasmiga ah, laakin wixii ku soo kordha , la soco.

Goobjoog News