U bood dhigaalka

Xil. Hore C/Samad Macallin: Madaxweyne Farmaajo Waxaa Doortay Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay doorteen Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdisamad oo ka tirsanaa baarlamaankii 9aad ee dalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay doorteen Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan hore Cabdisamad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cadaasi xoogleh ku saareen in baarlamaanka Soomaaliyeed u codeeyaan isbedelka ay shacabku rabaan:

“Doorashadu waxay ka tarjuntay wixii uu qabay shacabka Soomaaliyeed, waxaan dhihi karaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa doortay shacabka Soomaaliyeed, marwalba waxaad arkaysay markii dariiqyada la marayo shacabka Soomaaliyeed oo farriin u gudbinaya xildhibaannada oo dhahaya waa inaad sameysaan isbedelka noocaas ah, xildhibaannada intooda badanina mas’uuliyadoodii waa ka soo baxeen, doorashadu waxay ku dhamaatay si qofwalbaaba ku qanacsan yahay ama musharraxiintii ha ahaato ama xildhibaannadii ha ahaato ama shacabka Soomaaliyeed ha ahaatee”, ayuu yiri xildhibaan Cabdisamad.

Doorasho 8 February ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ay ku doorteen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqday madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News